Madaxweyne Farmaajo” Abaaraha ka Jira Dalka Waa Musiibo Qaran oo u Baahan Gargaar Deg-deg Ah”

Muqdisho (28 Feb, 2017)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Faramaajo), ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.
“Toddobaadyada iyo bilaha soo socdo, waxaan isugu gayn doonnaa awooddeenna, sidii loo dajin lahaa istiraatiijiyad looga hortagayo saameynta baahsan ee abaaraha, oo suuragal ah in ay isu badasho xaalad macaluul, hadddii aan haatan laga hortagin.”

“Waa in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qeybgalaan gurmadkan lagu samatabixinayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxa ay ahmiyadda koowaad siin doontaa gurmadka abaaraha. ” Ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey shirkii maanta ee looga hadlayey gurmadka abaaraha.

Ugu dambeyntii , Madaxweynaha ayaa si joogta ah ula socon doona xaaladaha abaaraha, si gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed uu u noqdo mid gaaray meelihii loogu talagalay.

–DHAMMAAD–
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

vlcsnap-2017-02-28-13h46m44s427
vlcsnap-2017-02-28-13h45m59s480
vlcsnap-2017-02-28-13h45m00s855 1
vlcsnap-2017-02-28-13h45m13s984
vlcsnap-2017-02-28-13h47m36s828

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media