Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur ayaa lagu wadaa in berrito la soo taago 2 Haween oo u kala dhashay dalalka Indonesia iyo Vietnam, kuwaasi oo haysto inay bishan 13-dii dileen Kim Jong Nam oo ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Malaysia, Maxamed Abandi Cali ayaa sheegay in Labada Haween oo lagu kala magacaabo Siti Aisyah iyo Doan Thi Huong muteysan doonaan xukun dil ah haddii lagu helo Dembigaasi.
Ku-xigeenka Safiirka Indonesia u jooga Malaysia, Andariano Erwin ayaa sheegay in Haweeneyda u dhalatay dalkiisa ee qeybta ka ah Kiiska oo lagu magacaabo Siti Aisyah u sheegtay in la siiyey 90-Dollar, si ay Wejiga Kim Jong Nam u mariso dareere Kiimiko ah nooca VX nerve, taasi oo keentay inuu Kim Jong Nam 20-daqiiqo kadib geeriyoodo.
Dhinaca kle, Wafdi heer sare oo ka socda Dowladda Waqooyiga Kuurya ayaa soo gaaray Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur, iyagoo doonaya in lagu soo wareejiyo maydka Kim Jong Nam.
Wafdigaasi oo uu ka mid tahay Danjirihii hore ee Waqooyiga Kuurya u joogay QM, Ri Tong Il ayaa u sheegay REUTERS inay booqashadood ku xiriirto sidii ay ku heli lahaayeen maydka Kim Jong Nam, loonsii dayn lahaa mid ka mid ah Muwaadiniintooda oo loo xiray Kiiskaasi iyo sidii loo wanaajin lhaa Xiriirka Labada Waddan.
©Radio Dalsan