Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa laba kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu soo bandhigay liiska Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta tirsigiisu kala yihiin #HoP024 iyo #HoP106 oo ay ku kala fadhiyeen Cabduqaadir Carabow iyo Mina Xasan Shibis.
Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartamaya kuraastaas, waxaana maalmihii lasoo dhaafay khilaaf uu ka taagnaa soo saarista liiska Odayaasha dhaqanka, iyadoo ugu dambeyn xal laga gaaray arrintaas, isla markaana la shaaciyay magacyada Odayaasha.
Doorashada labada kursi ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri oo Khamiis ah ay ka dhacdo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, waxaana Maanta laga dareemayaa Magaalada olole doorasho oo xoogan oo ay wadaan Musharaxiinta.
Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaan weli dhammeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Jubbaland caqabad siyaasadeed ay ka heysataa deegaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaarey.