Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 34 qof oo Soomaali ah, la waayey, kuwaasi oo labadii sanno ee ugu dambeysay ku jiray gacanta Ciiddanka Ammaanka Kenya.
Warbixin ka kooban 87 Bog oo ay Hay’adda Human Rights Watch soo saartay ayaa waxaa Hal-ku-dheg looga dhigay “Dhimasho, dad la la’ yahay iyo Xadgudbubyadda Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda ee magaalladda Nairobi iyo W/bari Kenya”/
Warbixinta waxaa kaloo lagu soo bandhigay Dukumentiyadda 34 Kiis oo ku xiriirsan Hawlgalladda Wadajirka ee ay Hay’addaha Ammaanka Kenya, waxayna Milliterigu kaalin firfircoon ka qaateen Hawlgalladda lagu baarayey Guryo iyo Dhismooyin si loo soo xiro dadka lagu tuhunsan yahay inay gacan-saar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab.
Human Rights Watch waxay kale sheegtay inaan weli Eedeysanayaashii la xiray lagu soo oogin wax Dacwado ah, iyadoo inta badan la la’ yahay Eedeysanayaasha ku jiray gacanta Hay’addaha Ammaanka Kenya.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in inta ay Hawlgalladda Ammaanka socdeen la xiray Dhallinyarada Soomaali Kenyaanka laga tiro badan yahay, Iimaamyadda iyo Macallimiinta Dugsiyadda, kuwaasi oo badankodoa lagu xiray Saldhigyo iyo Xerooyin KMG oo ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin dhulka Kaymaha ee ku yaalla W/bari Kenya iyo qeybo kale oo ka mid ah dalkaasi.
Qaar ka mid ah Kiisaskaasi ayaa lagu sheegay inay Saraakiisha Boliska xiraan dadka, kadibna ay dadkaasi u gudbiyaan Milliteriga.
Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch waxay ugu baaqday Dowladda Kenya in la joojiyo Tacadiyadda la geysto marka la fulinayo Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda iyo in la baaro dadka la dilay iyo kuwa lagu la’ yahay W/bari Kenya.
Xigasho: HRW
©Radio Dalsan