Madaxweyne Obama ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu dhigiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan kula hadlay Telefoonka, waxay kaloo ka wada hadleen sidii ay labada dal u wadaagi lahaayeen doorka Shiikh Fatxullaahi Gulen oo deggan Maraykanka ku lahaa Afgembiga Fashilmay.
Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka, Josh Earnest ayaa sheegay inuu Madaxweyne Erdogon ka codsaday Madaxweyne Obama in Dowladda Turkiga loo soo gacan geliyo Fatxullaahi Gulen oo uu ku eedeeyey inuu ka dambeeyey Afgembiga Fashilmay.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Turkiga u soo gudbisay Maraykanka Caddeymo muujinaya Falkaasi, iyadoo ay Saraakiisha Maraykanka dib-u-eegayaan caddaymaha loo soo gudbiyey.
©Radio Dalsan