Qaxootiga Soomaalida magangelyo-doonka ku nool Finland oo laga cabsi qabo in lagu gacan sayro Codiyadooda .

Dowladda Finland ayaa u aqoonsatay dalalka Iraq, Somalia iyo Afganistan inay yihiin dalal Nabdoon, isla markaana dib loogu celin karo Qaxootiga Magangelyo-doonka ee dalalkaasi ee la diiday Codsiyadooda.

Haddii la ansixiyo Siyaasadda Cusub waxay dhibaato ku tahay Qaxootiga Somalia, Iraq iyo Afganistan oo ay Dowladda Finland weli go’aan ka gaarin Codsiyadooda Magneglyadda Qaxootiga.

Bishan July, Dowladda Finland waxaa hor yaala inay go’aan ka gaaraan 17,000 oo Codsiyo Magangelyo-doon ah oo ay soo daladeen Qaxooti u kala dhalatay Iraq, Afganistan, Somalia, Syria iyo Iran.

10,000 oo ka mid ah Codsiyadaasi waxaa qortay Qaxootiga Iraq ee ku sugan dalka Finland, iyo 3,700 oo Qaxooti Afganistan, kuwaasi oo sugaya in Jawaab laga gaaro Codsiyadooda.

FINLANDWarbaahinta Dowladda Finlane ee Yle oo Warkan baahisay waxay kaloo sheegtay in ay Dowladda Finland go’aan ka gaari doonaan Codsiyo uga yimid 1,500 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo aan si rasmi ahaan u helin  Oggolaanshaha ay ku sii joogi karaan dalkaasi.

Dhinaca kale, Hay’adda Adeegga Socdaalka ee dalka Finland “The Finnish Immigration Service” ayaa la sheegay inay kireysteen  500 oo Shaqaale dheeraad ah oo gacan ka geysta sidii loo dedejin lahaa Go’aanka laga qaadanayo Codsiyadda Qaxootiga Magangelyo-doonka.

Waxaa la filayaa inay Hay’adda Socdaalka Finland isbuuciiba go’aan Kama-dambays ah ka gaaraan in ka badan 500 oo Codsiyada Qaxootiga Magangelyo-doonka.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media