Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay Somalia ka taageerayso Qorshe lagu daabacayo Lacago Shil;lin Somali ah, iyadoo Daabacaadda Lacagaha Rasmiga ugu dambeysay Somalia ku-dhawaad 30-sanno.
Wakiilka IMF u jooga Somalia, Samba Diouldé Thiam ayaa shaaciyey Taageeradaasi, wuxuuna xusay in laga yaabo in Shillin Soomaaliga cusub la soo daabaco Sannadkan, si uu Wareegga Lacagaha kaalin uga qaato.
Waxa uu tilmaamay in ku-dhawaad 98% Lacagta Shillin Soomaaliga ee haatan la isticmaalo yihiin kuwo macmal ah, loona baahan yahay in la helo Lacago Rasmi oo ay IMF taageersan tahay.
Waxa uu intaasi ku daray in 2% Lacagahaasi yihiin kuwo la daabacay sannadihii 1990-kii ilaa 1991-kii, kuwaasi oo haatan qaab xun Suuqa ugu jirta.
Mar uu ka hadlayey sababaha Lacagaha loo soo daabacayo waxa uu carrabka ku dhuftay in Wareega Suuqa uu haatan saamayn xooggan ku yeeshay Dollarka, iyadoo ay Lacagihii Shillin Soomaaliga duugoobeen.
Dhinaca kale, Wakiilka IMF u jooga Somalia, Samba Diouldé Thiam waxa uu tilmaamay inay Bangiga Dhexe ee Somalia ka taageeraan Xeerarka iyo Wareegga Qeybta Maaliyadda si loo furo Maalgashadayaal cusub.
Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia haatan ka hawl-galaan 6 Bank iyo 12 Shirkaddo Xawaaladaha Lacagaha.
Wakiilku waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inay Bangiyo Caalami ah danaynayaan inay ka hawl galaan gudaha Somalia, wuxuuna tusaale u soo qaatay Bangiga Ganacsiga Kenya ee KCB Group iyo Bangiga Ganacsiga Afrika ee The Commercial Bank of Africa Limited.
Xigasho: Bloomberg
©Radio Dalsan