Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Galmudug ayaa waxaa gaaray Wafdi ka socda dowladda Qadar,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo isugu jiray Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar ayaa waxaa Garoonka diaayaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarsho),Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku sugan halkaas iyo xubno kale.
Intaasi kadib ayaa waxaa galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Magaalada,isla markaana waxaa ay Madaxda dowladda iyo kuwa Galmudug uga mahadceliyeen sida ay u soo dhaweeyeen.
Wafdiga ka socda dowladda Qadar ayaa waxaa lagu wadaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb in kulan ay la qaataan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo halkaas ku sugan.
Ujeedka ay Dhuusamareeb u gaareen Wafdigan isugu jiray Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tababarka la siinayo Ciidankii Ahlusunna ee lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Dowlada Qadar ay lacag ku bixin doonto tababarka Ciidankii Ahlusunna,kuwaasi oo dhawaan dowladda lagu wareejiyay,si ay uga mid noqdaan Ciidamada qaranka.