Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal Miino baaris ah ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay deegaano kala duwan, iyagoona sigaar ah ah Miinooyin dhowr ah uga soo saaray deegaanka Janaale oo marar kala duwan oo horey looga soo saaray qaraxyo miino ah.
Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaas ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in miinooyinkaas ay dhulka ku aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab si dadka loogu dhibaateeyo.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa uu yahay Gobol inta badan gaadiidka Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM lagula eegto qaraxyo miinooyin ah, waxaana xusid mudan in Ciidanka dowladda ay xiliyada qaarkood halkaas ka sameeyaan howlgalo miino baaris ah.