Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay yeesheen Kulankoodii 8494-aad oo ay kaga hadleen in xilliga loo kordhiyo Hawlgalka UNSOM.
Kulankaasi oo socday muddo 9 daqiiqo oo keliya ayaa waxay 15-ka xubnood ee Golahaasi ku ansixiyeen in xilli-hawleedka Hawlgalka UNSOM loogu kordhiyo muddo hal sanno ah, tan iyo bisha March 31-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka.
Kulanka Golaha Ammaanka ee QM kadib, waxay soo saareen Hadal-qoraal, iyagoo ku booriyey DFS iyo Maamul-gobaleedyadda inay dedejiyaan sidii loo dhamaystiri lahaa Deganaansho Siyaasadeed.
Goluhu waxa uu ka codsaday Hawlgalka UNSOM inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan sidii ay DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda u yeelan lahaayeen iskaashi aad u dhow.
Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ku booriyeen DF iyo Barlamaanka Federalka in la dhamaystiro, isla markaana oggolaadaan Sharciga Doorashadda dhici doonta bartamaha sannadkan iyo in la hubiyo sidii ay Doorashooyinka soo socda ee Maamul-gobaleedyadda u nooqn lahaayeen kuwo ku dhaca qaab mas’uuliyad leh.
Dhinaca kale, hadalka qoraalka ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM waxay si kulul ugu cambaareeyeen weeraradii ay Alshabaab dhawaan ka geysteen Gobalka, waxayna hoosta ka xariiqeen inay QM sii wadi doonto sidii ay DFS iyo Hawlgalka AMISOM ugu dhiiri-gelin lahayd xoojinta Ammaanka ee Dhismayaasha Ururradda Calaamiga ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, halkaasi oo weerar dhacay bishii Janaayo 1-dii ee sannadkan lagu dhaawacay 3 ka tirsan Hay’addaha QM IYO Qandaraaslayaal.
Si kastaba ha ahaatee, Kulankii ay Golaha Ammaanka ee QM xalay ku ansixiyeen xilli-u-kordhinta Hawlgalka UNSOM ayaa ku soo beegmay, iyadoo aan weli la soo magacaabin Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ee uu banneeyey Ergaygii hore Nicholas Haysom oo ay DFS dalka cayrisay bishii Janaayo 2-dii ee sannadkan.