Booliska dalka Belgium ayaa furay Baaritaanka gabar Somali oo 18-jir ah oo lagu la’ yahay magaalladda labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Antwerp, oo masaafo ahaan 41.23 KM u jirta caasimadda dalkaasi ee Brussels.
Boliska iyo Dacwad-oogaha magaalladda Antwerp iyo Ururka Daryeelka Carruurta (Child Focus) waxay si wadajir ah u bilaabeen baaritaanka Gabadha Soomaalida oo la sheegay in la’ yahay in ka badan 9 bilood.
Wargeyska The Brussels Times ayaa qoray in Gabdha la raadinayo lagu magacaabo Samiira Raage, taasi oo inta badan ku hadasha Luqadda Soomalaiga, isla markaana ku adag tahay inay ku hadasho Luqadaha English-ka iyo Dhaj-ka (Dutch).
Wargeyska waxa uu qoray in markii ugu dambeysay ee la arko Samiira Raage ahayd bishii Ausgut 28-dii ere sannadkii hore, iyadoo ku sugnayd deegaanka Bihlstraat ee Degmadda Borgerhout oo aad ugu dhow magaalladda Antwerp.