Dhageyso:-Maxaa ka jira in M/Baladweyne ay ka taagan tahay Xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Dabageed?

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo ku aadan in Maanta xiisad ay taagan tahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,taasi oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiye Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Hayeeshee waxaa wararkaas been abuur ku tilmaamay Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo kan Degmada Baladweyne,isla markaana sheegay in aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan halkaasi.

Qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo kuwa Baladweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in u diyaar garoowayaan soo dhaweeynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan u soo magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,kadib markii uu xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Sidoo kale waxaa ay Mas’uuliyiinta Carabka ku dhufteen in ay dhammaan Xafiisyada Gobolka ay s toos ah u shaqeynayaan,isla markaana aysan jirin wax isbedel ah oo shaqooyinkii ka jiray halkaasi ku yimid.

Sikastaba Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed,isagooan u magacaabay Cali Maxamed Caraale.

Hoos ka Dhageyso Codadka Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo kuwa Baladweyne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media