Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Maanta Sarkaal ka tirsan qeybta baarista dambiyada Saldhiga Waabari ee Gobolka Banaadir ku dilay Magaalada Muqdisho.
Askariga dilka geystay ayaa waxa uu ilaalo ka haayay Bar koontarool oo laga Ilaaliyo gaadiidka aada dhinac Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku taalla Isgoyska Dabka.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabduwahaab Aadan,kaasi sida la sheegay Madax ka ahaa qeybta baarista dambiyada Saldhiga Waabari xiliga habeenkii ah.
Askarigii ka dambeeyay falkaasi ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,isla markaana waxaa goobta uu dilka ka dhacay ka qaaday Meydka Ciidamo kale oo halkaasi ka Agdhawaa.
Ilaa iyo hada lama oga sababta uu Askarigii ilaalada ka haayay Bar koontarool oo ku taalla Isgoyska Dabka u dilay Cabduwahaab Aadan,mana jirto weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda.