Ku-xigeenka Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Xasan Maxamed Cabdi ayaa maanta gaaray magaalladda Cadaado, si uu Madaxda Maamulka Galmudug kala soo wareego Haweeney Kenyan ah oo u afduubnayd Burcad-baddeeda.
Diplomaasiga waxa uu Madaxda Maamulka Galmudug uga mahad celiyey Hawlgalkii lagu soo badbaadiyey Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Louise Njoki Weru oo 41 jir ah, taasi oo gacanta burcad-baddeeda ku jirtay muddo 18 bilood ah.
Ku-xigeenka Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Xasan Maxamed Cabdi waxa uu Maamulka Galmudug uga mahad celiyey Hawlgalka Geesinimadda ee lagu soo badbaadiyey Haweeneydaasi, Louise Njoki Weru.
Ciiddanka Maamulka Galmudug ayaa dhawaan ku guuleystay inay xoog ku soo badbaadiyeen Haweeneydaas oo lagu haystay Degaanka Camaara.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur “Taar-dhuleed” oo ka hadlay Munaasabadda lagu soo ambabixinayey Haweeneydaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Safaaradda Kenya ku wareejiyaan Haweeneydaasi.
©Radio Dalsan