Barlamaanka dalkaasi ayaa maanta yeeshan Fadhi ay ku dooranayeen Madaxweynaha Cusub ee dalkaasi, iyadoo uu dalkaasi muddo 29 bilood lahayn wax Madaxweyne ah.
Taliyihii hore ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Mishel Coon ayaa loo doortay Madaxweyne, si uu u buuxiyo marnaanshaha xilka Madaxweynaha ee dalkaasi.
Misheel Coon oo 81 jir ah ayaa helay taageeradda 83 Xildhibaan, taasi oo ka soo sarreyso tirada loo baahnaa ee ahayd 65 Xildhibaan si uu ugu guuleysto Xilkaasi.
Doorashadiisa ayaa ku timid Wada-xaajood Siyaasadeed oo uu Misheel Coon la galay Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Sacad Rafiiq Al-xariiri.
Dhinaca kale, Caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut waxaa maanta ka dhacay Dabaaldeg Dab-rid ah oo lagu taageerayo Doorashadda Madaxweyne Mishel Coon.
©Radio Dalsan