Sahra Muunye Abu oo ah Haweeneydii ugu horreeysay oo Somali ah ee ka mid noqota Waaxda Boliska ee magaalladda Portland ee Gobalka Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inay is-casishay.
Wargeyska Press Herald iyo Warbaahino kale oo Maraykan ah ayaa qoray inay Sarkaaladaasi is-casishay maalintii Axadda ee la soo dhaafay, kadib, markii lagu soo oogay Khilaaf, Amar-diido aan haboonayn iyo dagaal ay geysatay.
Is-casilaadda Sarkaaladaasi waxa u uku soo beegmay ka hor intaysan Boliska Portland soo dhamanystirin baaritaanka Arrimaha Gudaha ee Kiiska lagu soo oogay.
Sahra Muunye Abu waxaa la xiray bishii Janayao 13-dii ee sannadkan, kadib, markii lagu so ooogay inay rabshad ka geysatay dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Worcester oo 64-KM galbeed kaga toosan magaalladda Boston.
Wargeyska Press Herald waxa uu qoray inay Sarkaalladda horey u sheegtay inaysan gelin Dacwadaha lagu so oogay, waxaana lagu amray inay dibedda ka joogto shaqada, iyadoo xor ah.
Afhayeenadda Boliska Portland, Jessica Grondin waxay sheegtay inay Sahra Muunye Abu iskiisa iskaga casisahay Waaxda Boliska Portland bishan June 10-da, xilli la doonayey in la soo gebagebeeyo Baaritaanka Arrimaha Gudaha ee Waaxda Boliska ee Portland.
Afhayeenadda waxay intaasi ku dartay inay arrintan tahay Sir Shaqsiyadeed, lana sii dayn Karin faahfaahin dheeraad ah.
Dhinaca kale, Warbixin Maxkamadeed ayaa lagu sheegay inay Sahra Muunye Abu inay ku xad-gudubtay Haweeney ka tirsan Masraxa iyo inay ku dhex tuuray dad meel ku xoonsanaa, isla markaana ay aflagaadeysay dhowr ka mid ah Macaamiisha Masraxaasi, la dagaashan Arday iyada soo xiri lahaa, waa sida hadalka loo dhigay.
Sahra Muunye Abu oo Waalidkeeda Soomali ah waxay ku dhalatay dalka Kenya, waxaa Maraykanka la keenay iyadoo 2-jir ah.
Si kastaba ha ahaatee, Zahra Muunye Abu waxay 2 snno ka hor qabsatay Warbaahinta iyo Dareenka Bulshadda, kadib, markii ay noqotay xubintii ugu horreysay ee Jaalliyadda Soomaalida deggan Gobalka Maine ee W/Galbeed ee Maraykanka oo xubin ka noqota Boliska Portland.