Haweeney Muslimad ah oo markii ugu horreysay Ra’isul-wasaare ka noqonayso Dalka Romaniya.

Madaxweynaha dalkaasi, Kalaus Johanis ayaa u magacaabay Sevil Shahaydeh  inay qabato Xilkaasi.

Haweeneydaasi oo ka tirsan Muslimiinta tirada yar ee ku nool dalkaasi ayaa la yaabtay magacaabisteeda, maadaama aysan caan ka ahayn dalkaasi.

Haweeneydaasi oo 52 jir ah waxay  muddo 6 bilood mar soo noqotay Wasiirka Horumarinta Gobaleedka sannadkii hore, balse waxay haatan tahay Sarkaal ka tirsan Wasaaradaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor