Milliteriga Dowladda Syria oo si buuxda ula wareegay magaalladda Xalab ama Aleppo.

Guushii ugu weynayd tan iyo markii uu dagaalku ka bilowday dalkaasi ayaa lagu sheegay qabsashadda magaalladaasi oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi,

Telefishinka Dowladda Syria ayaa laga akhriyey Qoraal looga mahad celinayey Askartii naftooda u hurtay sidii loo qaban lahaa Xalab ama Aleppo oo ay Kooxaha Hubeysan haysteen tan iyo sannadkii 2012-kii.

Dhinaca kale, Galbeedka Xalab waxaa ka dhacay Dabaaldeg ay Ciiddanka iyo dadka Rayidka ugu dabaal degayaan Guushaasi.

Kooxdii u dambaysay ee Falaagada iyo Qoysaskooda ayaa shalay laga wada daadgureeyey Bariga Xalab, sida uu dhigayo Heshiiska.

Guuldaradda Maleeshiyadda lagala wareegay Bariga Aleppo ayaa ah jabkii ugu weynaa ee soo gaara tan iyo markii uu dagaalka Syria bilowday bishii March ee sannadkii 2011-kii, laguna dilay in ka badan 310,000 oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor