24-kii Bishii July sanadkii 2019 ayay aheyd markii qarax la sheegay in uu ahaa Ismiidaamin uu ka dhacay hoolka Shirarka xarunta maamulka gobolka Banaadir oo xilligaas uu ka socday shir ay lahaayeen guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir AUN Eng, Yariisoow ayaa shir guddoominayay kulanka xilliga uu qaraxu dhacaya,iyada oo ay ku dhinteen Agaasimayaal iyo Guddoomiyaal degmo sidaas oo kalana waxaa dhaawac culus soo gaaray ENG, C/raxmaan Yariisoow oo ahaa duqii Muqdisho isaga oo markii dambana u geeriyooday dhawacii kasoo gaaray qaraxaas.
Allaha u naxariistee Eng,Yariisoow waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo dhaawacooda loo qaaday dalka Qatar si loogusoo dabiibo hase’ahaatee waxa uu u geeriyooday dhaawacaas 1-dii Bishii Agoosto ee sanadkii 2019.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Eng,C/raxmaan Yariisoow xilligaasna dowladdu waxa ay sheegtay in ay socdaan baaritaano ku aaddan sida qaraxaas u dhacay.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in maanta oo sanad kasoo wareegtay ay xusayaan xubnihii ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir,isla markaana ay ka qeybgeli doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee Xamar iyo madax ka tirsan dowladda fedraalka Soomaaliya.
Qaraxii 24-kii Bishii July sanadkii 2019-kii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa guddoomiyahii degmada Waaberi, Mahad Cilmi, guddoomiyihii degmada Shangaani, Sahra-zad Sheekh Maxamed, Guddoomiyihii degmada C/Casiis Sabaax C/laahi Asad, agaasimihii shaqaalaha gobolka Banaadir, C/laahi Dheere, la taliye dhanka sharciga ahaa Xasan Sabriye, Agaasimihii nadaafadda C/fitaax Cumar Xalane.