Wararka aynu ka helayno Hoolka ay ka socoto Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay xaqiijinayaan inuu calow xooggan ka dhex jiro Nidaamka Hab-maamuuska (Protocol)-ka iyo Nidaamka Wada-shaqeynta ee Guddiyadda loo xil-saaray Habsamida Munaasabadaasi.
Waxaa muuqata inay Guddiyadda ka dhex jirto Is-faham la’aan baahsan, taasi oo keentay in la kala maarayn waayey Kuraasta, maadaama aan la kala cayimin kuwa loogu tala galay Madaxda Caalamiga, Diplomaasiyiinta iyo kuwa Madaxda Maamul-gobaleedyadda.
Waxaa kaloo jirta in qaar ka mid ah Diplomaasiyiin martida ahaa loo waayey Kuraas Baratakool ahaan loo fariisiyo, inkastoo markii dambe loo helay Kuraas ay ku fariistaan..
Weriyayaasha ku sugan Madasha Caleema-saarka waxay kaloo soo sheegeen inuu Jadwalka Munaasabadda dib uga dhacay muddo 2-saac xilligii horey loo iclaamiyey.
Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo waxaa ku sugan in ka badan kun Ergo oo ka kala socotay 126 Waddan, kuwaasi oo isugu jiray Madaxweynayaal, , Ra’isul-wasaaro, Wasiiro, Ergo iyo Diplomaasiyiin kale.
Jadwalka Khudbadaha ee Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha:
6:00 – 10:30 – Soo gelitaanka Martida
10:30 il 11:30 – Madadaallo iyo suugaan
11:30 – 11:45 – Furitaanka iyo kalmadda guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ahna wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte.
11:50 – 12:10 – Kalmadda Wakiilka Qaramada Midoobay, xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Macheal Keating.
12:10 – 12:30: – Kalmada Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira
12:30 – 12:50: – Kalmadda Jabuuti: Mudane Ismaaciil Cumar Gelle
12:50 – 1:10: – Kalmada Itoobiya: Hailemariam Desalegn Boshe
1:10 – 1:30: – Kalmada Dowladda Kenya: Mudane Uhura Kenyatta
1:30 – 1:50: – Khudbadda Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud
1:50 – 2:20: – Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
©Radio Dalsan