Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Warar amalmihii u dambeeysay leysla dhexmarayay oo ahaa in Gabdho Soomaaliyeed ay CIRBADO ku duraan Darawalada Mooto Bajaajta ee ka Shaqeeya Magalada Muqdisho.
War-Saxaafadeed kazoo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa lagu yiri markii ay baaritaan ku sameysay iyada oo kaashaneysa hey’adaha u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada waxay ku ogaatay in arrimaha ku saabsan in gabdho Soomaaliyeed lagu soo ashkateeyay in ay CIRBADO sumeysan ku dureen dhallinyaro ka mid ah wadayaasha gaadiidka loo yaqaano BAJAAJKA.
Haddaba annaga oo gudaneyna waajibaadka naga saaran ilaalinta sharafta iyo karaamada shacbga Soomaaliyeed iyo sumcadda gabdhaha waxaan u xaqiijineynaa in aanan ka oggolaan doonin ficillada ay ku kacayaan wiilasha wadayaasha ka ah gaadiidkaas si ay wax u yeelaan magaca gabdhaha Soomaaliyeed.
Waxaan idiin xaqiijinayaa in labadii dhacdo ee toddobaadyadii la soo dhaafay baaritaanno aan ku sameynay aan haba yaraatee ku weynay caddeymo lagu xaqiijin karo arrimahaas, waxaana ku ogaannay in ay tahay arrin khalkhal lagu galinayo amniga iyo xassilloonida guud, cid kasta oo ka been abuurta gabar Soomaaliyeed baaritaannada socda ka dibna caddaaladda la horkeeni doono.
Sidoo kale waxaa laga codsaday Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay in ay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed joojiyaanna baahinta wararka aan salka iyo raadka toona laheyn ee bulshada lagu marin habaabinayo.
War-Saxaafadeedkaan oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka wasaaradda amniga Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban ayaa waxaa lagu soo รย gebagabeeyay baaq uu u diray dhallinyarada ku xoogsata gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BAJAAJKA in ay iska ilaaliyaan kuwa ku dhex jira magic xummadana u soo jiidaya howlaha ay u hayaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed.