Sawirro:-Madaxweyne Xaaf oo Hooygiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Maamulkii Ximin iyo Xeeb

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Hoygiisa Muqdisho kulan qado ah ugu sameeyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin & Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Tiiceey ayaa mudo 4 Sano ah ku xirnaa dalka Belgium,balse lasoo daayay kadib markii dambigii loo heystay ee ahaa in uu ka tirsanaa Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida lagu waayey.

Madaxweynaha galmudug ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Maxamed Aadan Tiiceey Madaxweynihii Maamulkii Ximin iyo Xeeb xuriyadiisa oo uu dib u helay isaga oona ugu baaqay in uu maamulka galmudug kala shaqeeyo sidii loo hormarin lahaa loona xalin lahaa tabashooyinka ka jira deegaanada qaar ee uu Mamulka Galmudug ka arrimiyo.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano kale.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media