Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Shirweynihii 5-aad ee Madasha Iskaashiga ee Dowladaha Carabta iyo Raashiya
Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Raashiya ayaa xaqiijisay inuu Wasiir Cawad ka qeyb geli doono Shirweynahaasi oo bishan April 16-da ka furmi doona Caasimadda dalkaasi ee Mosko.
Safaaradda waxay kaloo sheegtay inay Somalia ka mid tahay Saddexda Dowlad Carbeed ee ka qeyb galay Kulamaddii hore ee Heerka Wasiirka Arrimo Dibadeed.
Shirweynihii 4-aad ee Madasha Iskaashiga ee Dowladaha Carabta iyo Raashiya oo lagu qabtay dalka Imaaraadka Carabta sannadkii 2017-kii.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Segey Lavarov waxa uu mar sii horreysay oo shalay ahayd bogaadiyey doorka uu Madasha Iskaashiga Carabta iyo Raashiya ka qaadanayo ballaarinta Iskaashiga iyo Wada-shaqeynta dhinacyadda badan ee u dhexeeya Dowladdaha Raashiya iyo Carabta.