Maadaxweyne ku Xigeenka Puntland oo shir Guddoomiyay kulan Wasaaradeed

Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland ahna Siihayaha Madaxweynaha ayaa Guddoomiyay kulan Wasaaradeedka Saddex Biloodlaha ah ee Maamul Baahinta.

Shirka ayaa waxaa isugu yimaadaan Xafiiska Hormuudka Arimaha Maamul Baahinta oo ay qayb ka yihiin Wasaaradaha fuliya Adeegyada iyo Hawlaha lagu dardargelinayo gaarsiinta adeeg-bixinta heerarka hoose ee dowladda sida Degmooyinka iyo Tuulooyinka.

Shirka oo aha mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxana inta shirku socday laga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:

  1. Ku wareejinta waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe qaar ka mid ah degmooyinka.
  2. Ku wareejinta maamulida baraha Caafimaad qaar ka mid ah Degmooyinka.
  3. Dib-u-eegis lagu sameeyo doorka ay Dowladaha Hoose ku yeelanayaan Maareynta Biyaha iyo arrimo kale.
Comments
Loading...