Gobalka Sh/dhexe wararka ka mimaanaya waxa ay sheegayaan in Qarax la dhaawacay Gudoomiyha degmada Cadale ee Gobalka Sh/dhexe xili uu ku jiray Safar dhulka ah.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa la sheegay in uu qabsaday Gaariga Gudoomiyha Cadale Maxamed Muuse,Waxaana xiligaas uu ku socdaalayay Wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee isla gobalka.
Ilo xog ogaal ah ayaa Dalsan u sheegay in dhaawaca gudoomiyaha la geeyay Isbitaalka magaalada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe halkaas oo lagu dabiibayo isaga iyo qaar ka mida Ilaaladiisa oo la dhaawacmay.
Weerarada loo adeegsado qaraxyada dhulka lagu aaso ayaa ku soo laab laabtay gobalka Sh/dhexe gaar ahaan wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobalka Sh/dhexe.