Dhageyso:-Dowladda Somalia oo baaq Nabadeed u dirtay Beelaha ku dagaalamaya Gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa si kulul uga dagaal beeleeyada ka soo cusboonaaday Gobolka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Sabriye oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalada ka socda deegaanada Burdheere ee duleedka Cadale iyo Xeeraale ee Gobolka Galgaduud uu aad uga xun yahay,isla markaana u jeediyay baaq nabadeed beelahaasi dagaalmaya.

Beelaha dagaalamaya ayuu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda ugu baaq in ay si deg deg ah ku joojiyaan Dagaalka.

Sidoo kale waxa uu fariin u diray Wasiir Sabriye Waxgaradka iyo Ganacsatda kasoo kala jeeda beelaha ay dirirto dhexmareyso,isagoona u jeediyay in ay ku baxaan oo ay wax ka qabtaan arrimahaas lana joojiyo xadada,isla markaana Ciidamada kala qaado.

Ugu dambeyntii Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka qeyb qaadan dooto sidii loo joojin lahaa dagaalada ka soo cusboonaaday markale deegaanada Xeeraale iyo Burdheere ee Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Sabriye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media