Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay Degmada Waaberi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha degmada Waaberi,isaga oo guddoomiye cusub u magacaabay degmadaas.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska guddoomiye Yariisow ayaa waxaa xilka guddoomiyaha degmada Waaberi loogu Magacaabay Mahad Cilmi kaas oo bedelaya guddoomiyihii degmadaas Rowdo Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu wadaa isbedel uu ku sameynayo  guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana dhawaan sidoo kale guddoomiye Cusub loo Magacaabay degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor