Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa goordheyd kormeeray goobta lagu qabanayo xaflada caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo berri lagu caleema saarayo magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ciiddamada cirka ee Afisiyooni.
Gudoomiye jawaari waxaa ku wehlinayey kormeerkaas ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muddeey waxaana ay booqdeen halka lagu qabanayo xaflada caleema saarka madaxweyne Farmaajo oo ah xarunta Afisiyooni oo ay ka dhacday doorashada madaxweynaha iyagoo ukuurgalaya sida uu yahay diyaar garowga xaflada Caleema Saarka madaxweynaha.
Madaxda ayaa intii ay ku sugeneyd madasha Caleema Saarka si gaar ah ula kulmay xubanaha qaban qaabiyayaasha xaflada oo ay ka dhegeesteen warbixin la xariirta sida uu yahay diyaar gorowga Xaflada.
Berri oo ay tahay Arboco 22-tanka bisha february waxaa maagalada muqdisho lagu Caleema Saarayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo seddeedii bishaan lagu doortay Muqdisho.