Guddoomiyaha Gobalka Kiyambu, Fernand Waytitu ayaa la sheegay in Xabsiga la dhigay, kadib, markii lagu soo oogay inuu lunsaday lacag loogu talagalay in lagu dhiso Waddooyin.
Qareenkiisa oo lagu magacaaboKipjumba Karori ayaa sheegay in la xiray Guddoomiyihii Gobalka uu ka soo jeedo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Xarigiisa ayaana ah kii ugu dambeeyey silsilado xarig ah oo loo geystay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dowladda Kenya.
Guddoomiyaha Gobalka Kiyambu, Fernand Waytitu waxaa la sheegay inuu maanta shaqsi ahaan isugu dhiibay Guddiga La-dagaalanka Musuqa, kadib, markii uu Guddoomiyaha Dacwad-oogayaasha Kenya, Nuradin Haji uu soo saaray Qoraal lagu soo xiray Guddoomiyahaasi loo jaray maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha, Fernand Waytitu waxaa lagu eedeynayaa inuu lacag haddiyad oo dhan 5.6 million oo Dollar loo siiyey dhismaha Waddo laga dhisayey Gobalkiisa Kiyambu.
Dacwadaha kale ee uu wajahi doono waxaa ka mid ah Colaad Danaysi, Ku-takri-fal Awood Xafiis, Xawilaad Lacago iyo codsiyo been abuur ah.
Isbuucii la soo dhaafay, Wasiirkii Maaliyadad ee Kenya iyo 14 Saraakiil sarsare ayaa loo xiray eedeymo la xiriira falal musuqmaasaq lagu sameeyey Dhaqaale loo qoondeeyey in lagu dhiso Labo Mashruuc oo Biyo-xireeno ah.