Xukuumadda oo Caawa ka hadashay Xaaladda Caafimaad ee Guddoomiye Yariisow

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay Caawa Xaaladda Caafimaad ee dadkii dhawaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiir Khadiijia oo ku sugan dalka Qatar gaar ahaan Isbitaalka Hamad oo ah halka la geeyay dhaawacyada qaraxii ka dhacay Gobolka ayaa sheegtay in xaaladda bukaanada uu kamid yahay Guddoomiye Yariisow ay soo hagaageyso.

Sidoo kale Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaamay in Xaaladda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ay aad usoo hagaageyso,isla markaana ay tahay mid ka fiican sidii hore uu ahaa weliba markii laga soo qaadayay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiran dad qabo dhaawacyo kala duwan,hayeeshee Khaqaatiirka ay la tacalayaan xaaladooda Caafimaad.

Iyaga oo sii hadleysay ayay ugu baaqday Bulshada Soomaaliyeed inay usoo duceeyan bukaanada  qaba dhaawacyada,iyadoo tacsi u dirtay Ehelada mid kamid ahaa dadkii dhaawac ahaa loo geeyay Qatar oo xalay geeriyooday.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Safiirka Qatar ee Soomaaliya C/risaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ku ammaantay sida wanaagsan uu u garab taagan yahay Mas’uuliyiinta iyo dad kale ee qaba dhaawacyada ee ku jira Isbitaalka Hamad ee dalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media