Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Xamar-Jajab ee Gobolkaan Banaadir.
Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Curmar Finish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Degmada Xamar-Jajab loogu Magacaabay inuu noqdo Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle), isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas.
Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa lagu sheegay in Magacaabista Guddoomiyaha Cusub ee Xamar-Jajab ay ku timid baahi loo qabo dardar-gelinta horumarinta howlaha shaqo ee degmada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalmo kahor Guddoomiyaha Degmada Shibis u Magacaabay Cali Axmed Cabdulle Cali Soomaali, halka Guddoomiyihii Degmada Xamar-Jajab loo bedelay Degmada Dharkeenley.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Guddoomniyaha Deg. Xamar-Jajab.