Siihayaha RW dalka oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

Siihayaha xalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dolwad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan Safar shaqo ku jooga Muqdisho.

Mahdi Guuleed iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sidii dowladda Federaalka ay uga qayb qadan lahayd Horumarinta Galmudug.

Sido kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay wadashaqayn xoggan u dhexmari lahayd Wasaaradaha Xukuumadda Fadaraalka iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa dhankiisa Madaxda Galmudug ku amanay shaqadii wanagsanayd ee ay qabteen mudadi koobnayd ee ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay inay garab u noqon doono Hormarada ka socda Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Madax ka tirsan Dowladda, qaar kamid ah Safiirada dowladaha taageera Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media