Guddiga dhameystirka xeerka Doorashooyinka oo kulamo bilaabay xili ay joojiyeen…

Guddiga diyaarinta Xeerarka dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo maalmo kahor joojiyay shaqada ayaa shalay kulan qaatay Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Guddiga iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa wada hadlay howlaha shaqo ee Guddiga horyaalla iyo Arrimo kale oo ku aadan Doorashada.

Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay balan qaad u sameeyeen Guddiga diyaarinta Xeerarka dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxaana kulankii shalay uu ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Si kastaba Guddiga ayaa maalmo kahor shaaciyay inay shaqadii u hakiyeen sababo la xiriira cudurka halista ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal ku yaalla Caalamka, welina lama oga in Guddiga ay shaqadooda dib u bilaabeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media