Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.
Ujeedka dhagax dhigaan ayaa ahaa mid ay dowlada Hoose ee Xamar ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Barlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 196.
Munaasabadda dhagax dhiga dhismaha Xarunta taariikhiga ah Baarlamaankii hore ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Boondheere iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka.