Dadkii dhawaan ka barakacay magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda, kadib markii xaaladda magaaladaasi isbedal uu ku yimid.
Xasan Cumar oo ah gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa wuxuu sheegay in shacabka ay hadda intooda badan ku soo laabteen kuwa kalena la sugayo inay yimaadaan.
Badi dadka Magalada Marka ayuu sheegay inay dib ugu soo laabteen Magalada,isla markaana dib loo furay goobihii Ganacsiga ee mudada u xirnaa sababo amni aawgeed.
Ciidamo ka tirsan kuwa Guutada 14-ka October ayaa hadda ku sugan Magalada Marka,waxaana mar walba ay howlgallo ka sameeyaan Xaafadaha Magaladaas.