Waxaa gelinkii dambe ee Galabta Magaalada Baydhabo oo Xarunta Gobolka Baay ka dhacay qaraxyo xoogan,kuwaasi oo gudaha Baydhabo si weyn looga maqlay.
Waxaa la sheegay in Qaraxyada ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo,isla markaana ay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada mid ka mid ah uu ahaa ismiidaamin,waxaana ku geeriyooday in ka badan 15 ruux halka dhaawacuna uu ka sii badan yahay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in qaraxa uu ahaa mid bambo gacmeed ah oo lagu weeraray mid kamid ah hotelada ku yaalla Baydhabo,halka kan kale la sheegay in uu ahaa Qarax lagu weeraray maqaaxi ku taalla gudaha Magaalada Baydhabo.
Xaalada Magalada baydhabo ayaa Caawa ka duwan sidii saakay waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliska Koonfur Galbeed oo goob walba xiray.