Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Maamulka oo ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaas.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, iyadoo warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo howlgaladii u danbeeyay ee Al-shabaab looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa Golaha hor keentay hindise sharciyeed lagu dagmeynayo deegano ay wasaaradu ku sameysay daraasad, soona buuxiyay shuruudaha degmanimo oo kala ah
1- Dhabad
2- Galinsoor
3-Bandiiradley
4- Afbarwaaqo
5- Ceelguula.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, iyadoo lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.