Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey (AUN) Sheekh Cabdulqaadir Jaylaani oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Caalamka Islaamka ee qaybta weyn ka qaatay fidinta Diinta Islaamka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in cullimada Soomaaliyeed gaar ahaan dariiqada Suufiyada ay tahay in ay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaallanka waxa loogu yeero fikirka Khawaarijta sidii horeyba loogu yiqiin.
“Dariiqada in loo soo ordi doono wey iska caddeyd, waxaase ilahey mahaddii ah in xilli fiican la fahmay in ay tahay midda kaliya ee nabadda iyo diinta saxda ah agtaallo, taasina waa iska caddeyd,” ayuu yiri RW Xamse.
Munaasabadda oo ka dhacday Tiyaatartka Qaranka, ayna dhigeen Culimada Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa lagu casuumay oo kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamse Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Culimada Ahlusunna iyo Xer isaga kala timid degmooyinka Gobolka Banaadir.