Danjiraha Sweden u jooga QM, Olof Skoog oo haatan ah Madaxa Golahaasi ayaa sheegay inay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka walaac xooggan ka muujiyeen dagalladda ka socda dalkaasi, waxaana lagu baaqay in Ciiddamo si degdeg ah loogu daad-gureeyo dalkaasi.
Golaha Ammaanka ee QM waxay 6 bilood ka hor go’aamiyeen in 4-kun oo Askari loo diro dalkaasi, kadib, markii ay Nabad-ilaaliyayaasha QM ku guul-daraysteen inay dadka rayidka ka badbaadiyaan dagaalkii bishii July ee sannadkii hore ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Jubba.
Dowladaha Ethiopia iyo Rwanda ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ciiddamo u diraan dalkaasi, iyadoo Guuto ka socota Ciiddanka Ruwanda tegi doonaan Koonfurta Sudan dabayaaqadda bisha soo socota.
©Radio Dalsan