Madaxweyne Donald Trump waxa uu khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Masar, C/fataax Alsisi, iyagoo ka hadlay xiriirka labada dal iyo Tabaha ay Labada Dowladood isaga kaashan karaan Dagaalka lagula jiro Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Trump waxa uu sheegay inay Masar dhibaatooyin kala kulantay Dagaalka Argagixisadda, wuxuuna ballan qaaday inay Dowladiisa taageeri doonto Masar.
Afhayeenka Madaxweynaha dalka Masar, Calaa Yuusuf ayaa sheegay inuu Donald Trump ku casuumay Madaxeyne C/fataax Alsisi inuu booqasho ku yimaado Washington, iyadoo jadwalka socdaalkaasi lagu diyaarin doono khadadka Diplomaasiyadda.
Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka, Sean Spicer ayaa sheegay inuu Donald Trump hoosta ka xariiqay Xiriirka xooggan ee labada dal iyo in taageeradda Milliteri taageerayo Dagaalka ay Milliteriga Msaar kula jiraan Argagixisadda.
Dhacdo kale, Telefishinka Dowladda Masar ayaa baahiyey Muuqaalka Arday Talyaani oo lagu dilay gudaha Masar bishii Feberaayo ee sannadkii hore.
Baahinta Video-ga Dilka Ardaygaasi oo la oran jirey Juliyo Regeni ayaa timid, kadib, markii uu Xeer-ilaaliyaha Masar fasaxay in la baahiyo.
Xiriirka Masar iyo Talyaaniga ayaa xumaaday, kadib, dilka Ardaygaasi oo aan la ogeyn cidda ka dambaysay dilkiisa.
©Radio Dalsan