Warbixinta u dambaysay ee Awoodaha Baasaboorka Caalamka ee sannadka 2017-ka (Global Passaport Power Rank 2017) ayaa lagu soo bandhigay Shaxda iyo Qiimeynta Baasabooradda ugu sarreeya iyo kuwa ugu hooseeya iyo tirada dalalka lagu tegi karo Baasabooradaasi.
Lixda Baasaboor ee ugu xooggan Caalamka ayaa kala ah Baasabooradda dalalka Finland, Faransiiska, Spain, Norway, Britain iyo Maraykanka oo lagu kala tegi karo 156 Waddan.
Qaaradda Afrika waxaa ugu xooggan Baasabooradda dalalka South Afrika, Seychelles iyo Mauritius, halka ay Baasabooradda Nigeria, Ethiopia iyo Somalia figta hoose kaga jiraan Baasabooradda Afrika ee lagu meel-maro Caalamka.
Sida lagu xusay Qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo ururisay Hay’adda Dhaqaalaha ee Arton Capital waxaa Baasaboorka Seychelles lagu tegi karaa 126 Waddan, waxaana Fiiso la’aan (Vissa-free) lagu tegi karaa dalal ay ku jiraan Shiinaha, Faransiiska iyo Britain.
Baasaboorka ugu hooseeya Baasabooradda Afrika ayaa ah Baasaboorka Somalia, iyadoo Baasaboorkaasi Fiiso la’aan lagu tegi karo 30-dal.
Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Soomaalida Qaxooti ah ayaa inta badan ku safra Baasabooradda dalalka ay Dhalashadda ka qaataan, waxaana xusid mudan in Xildhibaanadda iyo Murashixiinta Madaxtinimadda Somalia 80% wada haystaan Baasabooro Ajnabi oo ay ku dhoofaan, wuxuuna falkaasi qeyb ka yahay Qiimo-xumidda uu Baasaboorkeenna ku leeyahay Caalamka.
Halkan ka akhriso Qiimaha Baasabooradda Afrika iyo dalalka Visa La’aanta lagu tegi karo:
Seychelles 126
Mauritius 118
South Africa 90
Botswana 69
Lesotho 66
Malawi 65
Swaziland 64
Namibia 64
Kenya 64
Gambia 63
Cape Verde 63
Tanzania 62
Congo 43
Equatorial Guinea 43
Burundi 42
Nigeria 41
Djibouti 40
DRC 39
Libya 37
Eritrea 36
Sudan 36
South Sudan 34
Ethiopia 34
Somalia 30
©Radio Dalsan