Garoowe:Dhimasho ka dhalatay dab ka kacay Goob Ganacsi+Sawirro

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed geystay oo Maanta ka kacay Goob Ganacsi oo ku taalla Magalada Garoowe ee Xrunta Gobolka Nugaal.

Dabka ayaa waxa uu  ka kacay Goob Maqaaxi ah oo lagu iibiyo raashinka oo ku taalla bartamaha magaalada Garowe gaar ahaan agagaarka Masjidka Mowlaca,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe.

Dabka ayaa kacay kadib markii Nin uu rasaas ku dhuftay haamaha Gaaska dabka ee raashinka lagu kariyo taas oo qaraxday,waxaana la xaqiijiyay in hal ruux uu ku geeriyooday Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadweyne farabadan oo ka kala yimid xaafadaha Magalada Garoowe iyo mid ka mid ah Booyadaha Magaladaas ayaa ugu dambeyn ku guuleystay deminta dabkaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magalada Garoowe ayaa gaaray goobta,waxaana suurtagal ah in khasaaraha dabkaasi geystay in ay intaasi kasii bataan.

Weli lama oga waxyaabaha sababay in ninkaasi hubeysan uu xabad ku dhufto haantaas oo la ogaa inay khasaaro geysan karto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media