Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Nin Ganacsade ah lagu dilay Magaaladaas.
Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Bashiir Goosato,waxana uu ka mid ah Ganacsatada ugu caansan deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug gaar ahaan Magalada Gaalkacyo.
Dad ku sugan Gaalkacyo ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in dilka ay ka dambeysay kaidb markii uu isku dayay in uu kala celiyo Nin ay Walaalo yihiin iyo Nin kale oo dagaalamay,taas oo keentay in rasaas ay iksu fureen in uu ku geeriyoodo Ganacsadaha.
Wararka qaar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayeen in Goobta dilka uu ka dhacay inay gaareen Ciidamo ka tirsan Galmudug,isla markaana mid ka mid ah Raggii dagaalamayay ee rasaasta isku furay la qabtay.
Dadka Magalada Gaalkacyo ayaa aad uga naxay dilka Ganacsadaha lagu dilay Koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com