Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Denmark ee Somalia

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan dalka Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg.

kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, iyo sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntiina waxa kulankaa ayaa waxaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada soconlahaa.

Muuse Biixi ayaa waxaa Kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media