Amar lagu soo Rogay Dadka booqanaya Xafiiska Madaxweynaha Puntland (Wareegto)

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyadda maamulka Puntland ayaa waxaa lagu joojiyay in ilaa iyo amar dambe  wax dadka aysan soo booqan karin Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhammaan Golayaasha dowlada ayaa waxa si xushmad leh loogu waregeliyay in daruufo jiro awgood la hakiyay inta muddo ah balamada iyo qaabilaadda Madaxweynaha Puntland.

Laamaha amniga Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa la faray in laga bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 5-ta Bisha labaad 2019 la joojiyay qaabilaadda dadka u imaanayo Madaxweyne Deni  ilaa iyo amar dambe.

Amarkaan ayaa dabada socda xili ololaha soo Magacaabista Golaha Wasiiradda Puntland ay socdaan uuna  mashquul noqday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni,isla markaana ay buux dhaafiyeen dad farabadan.

Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyadda Maamulka Puntland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media