Dhageyso:-Gaas oo ka hadlay doorashadii looga guuleystay baaqna u diray Ciidamada Puntland

Madaxweynihii hore dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Garoowe ayaa ka hadlay doorashadaii shalay looga guuleystay,isaga oo farriin u dirtay Shacabka Puntland.

Marka hore waxa uu u hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee Puntland loo doortay,isaga oo sheegay in six or iyo xalaal ah ay ku dhacday doorashada,isla markaana dadka reer Puntland ay yihiin dad mid ah.

Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayuu ugu baaqay inay Shaqooyinkooda siiwaataan,isla markaana ay si adag u ilaaliyaan xaduudaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu sigaar ah ula Shaqeyn doono Madaxweynaha Cusub ee Puntland loo doortay,sidoo kalena uu tallooyin ku darsan doono,waxaana Shacabka iyo Ciidamada Puntland uu ugu baaqay inay midoobaan.

Waa shirkii Jaraa’’id ugu horeeyay ee uu qabtay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas 24 Saac kadib markii looga adkaaya doorashada Madaxtinimo ee shalay ka dhacday Magalada Garoowe.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor