Waxaa maanta maagalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug heshiis ku saxiixday Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaaray in maanta wixi ka danbeeyo la’isku furo wadooyinka magaalada Gaalkacyo oo ku xirmay daagaladii Sokeeyey ee ka dhacay magaaladaas.
Gudoomiyeyaasha Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ayaa saxiixay heshiiska ay gaareen labada maamul, si la’isuku furo gabi ahaan Gaalkacyo,waxaana ku qornaa heshiiskaas sidii loo furi lahaa wadooyinka magaaladaas.
Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku dhaqan gali doono heshiiskaasi.
Dhinacakale maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ciidamada Puntland waxaa ay ka sameeyeen howgal, iyadoo ciidamo fara badan lagu soo daadiyey saakay xaafadaha waqooyiga magaaladaasi, baaritaanka ayaa daba socday dhawaac shalay magaaladaas loogu geestay xildhibaan katirsanaa Puntland oo uu dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.
Goob-joogayaal ayaa usheegay Rdio Dalsan in howlgalkaasi lagu soo qabtay dad badan oo looga shakinayo falalka amaan darri ee Gaalkacyo.
Halkaan hoose ka dhageyo Codka.