Malta: Nin Somali oo isku dhex qaawiyey gudaha Maxkamad la soo taagay.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Malta, waxa uu Ninkaasi iska wada siibay dharkiisa, isagoo ooyin iyo qeylo isku daray, kadib, markii uu Garsooruhu diiday in Damiin lagu sii daayo.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan oo 22-jir ayaa la soo taagay, kadib, markii uu nin kale oo Somali ku cayrsaday Tooreey, uguna hanjabay inuu dili doono.

Wargeyska Times of Malta ayaa qoray in Eedeysanaha oo deggan Degmadda San Gwann ee Bartamaha Malta uu dili lahaa nin kale oo uu ku eedeeyey inuu ka dhacay Mobayl iyo Kabo.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray in Eedeysanaha oo xilligaasi sarqaansanaa uu cayrsaday Ninkii kale oo badbaado ahaan u galay Sasldhig Bolis oo ku yaalla Deegaankaasi.

Eedeysanaha waxa uu Boliska u sheegay inuu dili doono Ninkaasi ka dhacay hantidiisa, waa sida uu ku dooday, balse, markii Maxkamadda la soo taagay waxa u usheegay inuusan wax ujeedo ah ka lahayn Cabsi-gelintii uu u jeediyey ninka kale.

Garsooraha qaadayey Dacwadaasi oo lagu magacaabo  Francesco Depasquale waxa uu Eedeysanaha u diiwaan geliyey sheegashadiisa ahayd inuusan wax Dembi ah gelin, iyadoo ay Maxkamadda diiday in Eedeysanaha damiin lagu sii daayo.

Eedeysanaha ayaa bilaabay qeylo iyo inuu qolka Maxkamadda isku qaawiyo, isagoo ku dhawaaqayey: “Sideen u aadayaa Xabsiga?, Waxaan leeyahay Xuquuq. Intaan Xabsi geli lahaa waan is-dili doonaa”.

Garsooraha waxa uu ku amray Boliska joogay Maxkamadda inay Eedeysanaha u gudbiyaan Xabsiga, waxaana mar kale dib loo dhegeysan doonaa Dacwadiisa, iyadoo Xukun lagu ridi doono.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media