Ciidamada amniga ee Gobolka Mudug, dhinaca Galmudug, ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay labo eedeysane iyo gaari Nooha ah oo ku socday degaannada Dumaaye iyo Dabalo, kuwaas oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug. Gaariga la qabtay ayaa la sheegay inuu siday shidaal iyo raashin fudud oo loo waday kooxaha kasoo horjeeda Nabada Soomaaliya, kaasi oo ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.
Ciidamada amniga ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqa gaarigan, iyagoo ugu dambeyntii ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan, iyagoo hubiyay xogaha ku saabsan socodka baabuurkaasi iyo ujeeddada safarkiisa. Saraakiisha booliiska ayaa tilmaamay in gaadiidka iyo ragga saarnaa lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka.
Taliska Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa u xaqiijiyay warbaahinta inay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira ciddii wadatay gaari iyo waxa ka dambeeyay isku daygan. Taliska ayaa sheegay in maxaabiista iyo baabuurka dhowaan loo gudbin doono maxkamadaha awoodda u leh si loogu qaado dacwadaha la xiriira eedeymaha loo heysto.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaalka ballaaran ee ciidamada amniga Galmudug ay ku doonayaan inay ku wiiqaan dhaq-dhaqaaqyada Al Shabaab, kuwaas oo marar badan isku dayay inay ka faa’iidaystaan degaannada miyiga ah ee ku yaalla gobolka. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ciidamadu sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah kooxahaas si loo xaqiijiyo nabadgelyada degaanka.