Faysal Cali Waraabe oo soo bandhigay Heshiis Dawlada Maraykanka kala dhex Dhigtay Somaliland iyo Puntland arinta Dagaalka Tukaraq

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo bandhigay heshiis uu maraykanku kala dhex dhigay somaliland iyo Puntland

Gudoomiye Faysal oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaas la gaadhay xalay balse saaka waaberigii ay jabiyeen maamulka Puntland waxaanu yidhi “Xalay oo u dambaysay waxa la gaadhay heshiis afar qodob ah oo uu maraykanku horseed ka ahaa kuwaas oo kala ahaa.

In la joojiyo xabada

In la bilaabo wada hadaladii somaliland iyo soomaaliya, farmaajo waa lala hadlay, cabdi wali waa lala hadlay Muuse Biixina waa lala hadlay.

In maxaabiista laysku celiyo

In laga wada hadlo sidii loo soo noolayn lahaa wada hadalada somaliland iyo soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media